Saab Tv Wararka Ciyaaraha Da’yarka Tayada Wanaagsan Ee Bayern Leverkusen Leon Bailey Oo U Furan Inuu...

Da’yarka Tayada Wanaagsan Ee Bayern Leverkusen Leon Bailey Oo U Furan Inuu England Matalo Koobka Aduunka & Damaca FA-ga Oo Durba Lasii Ogaaday.

Xulka qaranka Egland ayaa laga yaabaa iney waqti dambe u dhaqaaqaan xidiga da’da yar ee Bayer Leverkusen “Leon Bailey” si ay uga dhaadhiciyaan inuu qarankooda matalo koobka Aduunka ee bartamaha sanadkaan ka dhacaya Rusaia – waxeyna kaga mahad celinayaan kooxda ka dhisan Bundealiga.

 

Sheekadaan layaabka leh ee ah inuu u furan yahay England waxey siineysa Gareth Southgate rajo fiican oo uu ugu dhaqaaqi karo xidigaan sadexda bilood ee ka hartay inuu gudbiyo liiska 23-ka xidig ee qarankiisa.

 

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa ogsoon in xidiga weerarka kaga ciyaara Leverkusen isla markaana u ciyaaray qaranka Jamaica ee 23-jirada uu u ciyaari karo qarankooda maadaama laba ka mid ah awoowayaashiis ay heystaan baasaboorka Britain.

 

Leon Bailey wuxuu ka mid yahay xidigaha aadka loo qiimeeyo ee ka xamaasha yurub – waxaana xusid mudan in kooxaha Man United, Spurs iyo Liverpool ay xiiso usoo bandhigeen.

 

22-jirkaan kaliya uma furna inuu u ciyaaro England – sidoo kalana dhawr wadan ayuu matali karaa oo ay ka mid yahiin Malta iyo Belgium.

 

Wali FA-ga si cod dheer uma go’aansan iney ka dalban doonaan xidigaan inuu matalo, balse ilo ku dhaw kooxda ayaa shaaciyay in xidigaan ay adkaan doonto inuu diido hadio uu dalab rasmi ah ka helo Gareth Southgate.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga