Dawlado shisheeye ayaa soo galaya colaadda ka aloosan gudaha Itoobiya sida ay muujinayaan baadhitaano dhawr ah oo la sameeyay.

Wadamada imika taageerada dadban siinaya dhinacyada waxa u badan wadamada Khaliijka Carabta oo qaarkood ay badhi taarayaan xukuumadda Abiy Axmed.

Waa xili Abiy Axmed uu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo TPLF lagaga hor istaagayo in ay helaan taageero uga timaada dibadda dalkaas.

Wadamada Imaaraadka Carabta, Iran iyo Turkiga ayaa la sheegayaa in ay dagaalka qayb ka yihiin. Saddexdan waddan waxay xukuumadda dhexe ku taageereen hub kala duwan iyo diyaaradaha la hago ee drone-ta loo yaqaano, sida lagu xusay warqad ay Qaramada Midoobay u direen TPLF.

Sadexdaas waddanba waxay beeniyeen in ay wax lugah ku leeyihiin dagaalka Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga