Canada, Maraykanka, Ukraine, France, Poland,Germany,Denmark,Italy, Spain, iyo wadamo badan Oo Ka Tirsan Midowga Yurub Ayaa Ku Dhawaaqay In Ay Dalalkooda Ka Eryi-doonaan Boqolaal Dublomaasi Oo U Dhashay Waddanka Ruushka.

Madaxweynaha Maraykanka Ayaa Amar Ku Bixiyey In Lixdan Ka Tirsan Shaqaalaha Safaraadda Ruushka Oo Lagu Eedeeyey Basaasnimo Dalka Laga Saaro.

Dalka Ukraine Ayaa Waxaa Isagana Laga Eryay Saddex Iyo Toban Dublomaasi Oo Ruush Ah, Halka Dalal Badan Oo Ay Ku Jiraan Faransiiska Iyo Jarmalku Ay Wadamadooda Ka Caydhiyeen Dublomasiyiin Badan Oo Uu Dhashay Waddanka Ruushka,

Waddanka Ruushka Ayaa Tallaabadan Ku Tilmaamay “Daandaansi Colaadeed” Waxaanu Wacad Ku Maray In Uu Ka Fal Celin Doono.

Danjiraha Ruushka U Fadhiya Maraykanka,Anatoly Antonov, Oo Qaybo Kamida Warbaahinta Maraykanka La Hadlaayay Ayaa Sheegay, In Maraykanku Burburinayo Intii Yarayd Ee Ka Sii Hadhsanayd Xidhiidhka Ruushka Iyo Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga