Muddo laba sanadood gudahood ah, Israel waxa markii afraad looga dareerayaa doorashada madaxtinimada ee gobolkan laga dhex sameeyay dhulka Falastiin, kadib dawladdii Israel oo burburtay.
Burburka dawladda ayaa yimi saacado kadib markii heshiis laga gaadhi waayay arimaha miisaaniyadda Israel, waxaana lagu khasbanaaday in mar kale loo dareero goobaha cod bixinta lana soo doorto dawlad aqlabiyadda shacabka haysata.
Baarlamanka Israel ayaa sidoo kale la kala dirayaa iyadoo mar kale dib loosoo dooran doono.
Bisha March ee sanadka cusub ayaa loo asteeyay in sanduuqyada codaynta la furo.
Kadib doorashooyinkii hore oo xisbina aanu helin aqlabiyadda, waxa lagu heshiiyay dawlad wadaag ah oo 18 uu raysalwasaare ahaado Ben Netenyahu, halka marka la gaadho bisha Nev ee sanadka curanaya ee 2021 la qorsheeyay in uu raysalwasaare noqdo Ben Grantz oo imika ahaa wasiirka difaaca ee Israel.