Dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa xaqiijisay in safiirkeeda dalka Iiraan, Rob Macaire, lagu xidhay muddo kooban dalkaasi Iiraan, safiirka, ayaa waxaa xidhay mas’uuliyiinta Iiraaniyiinta intii ay socdeen banaanbaxyo ka dhacay magaalada Tehraan ee caasimadda dalkaasi Iiraan, danjire Macaire, ayay Iiraan ku eedaysay inuu waday ‘’Kicin dadwayne’’ goobta kasoo horjeedda jaamacadda Amir Kabir maalintii sabtidii.

Xoghayaha Arimaha Dibada UK, Dominic Raab ayaa sheegay in qabashada safiirkoodu tahay tahay “xadgudub sharci darro ah oo lagu xadgudbay sharciga caalamiga ah” wuxuuna ku celceliyay baaqa ah inay Iiraan xaaladda.

“Dowlada Iran waxay maraysaa marxalad istiraatiiji ah,” ayuu yidhi Mr. Raab isagoo sheegay inay Iiraan imika kujirto go’doon caalami ah.

Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Iran, ee Tehran, iyagoo muujinaya cadho ay u qabaan dowladda, kuwaas oo kutilmaamaya inay yihiin dafiray inay soo rideen diyaaraddii rakaabku saarnaayeen oo laga lahaa dalka Ukraine.

Xoghayaha ammaanka ee Britain Brandon Lewis, ayaa sheegay in xadhigga loo gaystay safiirka Uk ay tahay”mid aan gabi ahaanba la aqbali Karin ” islamarkana jabinaya cahdigii Vienna kaasoo soo baxay sannadkii 1961. Heshiiskaasi ayaa dhigaya, in dublamaasiyiinta aan la xidhi Karin.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa dalbanaya in sharxaad dheeraad ah laga siiyo xadhiga safiirkooda lagula kacay.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga