Dawladda Uganda ayaa sheegtay in aanay sanadkan bedelahayn ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, arintaas oo ay sabab uga dhigtay caabuqa Covid-19 ee soo gaadhay wadamada Bariga Afrika.

Uganda ayaa cutubyo ka tirsan milatarigeedu waxay ku suganyihiin Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah ciidamada AMISOM ee hawl-galadda nabad-ilaalinta u jooga dalan ku yaala Geeska Afrika.

Waxa xusid mudan in mid ka mid ah ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan laga helay xanuunka Covid-19. Richard Karemire, afhayeenka milatariga Uganda, ayaa xusay in ciidankoodu ay kusii nagaan doonaan gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga