Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda amniga maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ay xaqiijisay hawl-gal duqayn ahaa kaasi oo laga fuliyay deeganka Ma’moodow oo qiyaastii 40 Km waqooyi kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool lagu dilay horjoogeyaal katirsan kooxda Al-shabaab.

Waxay sheegtay warbaahinta dawladda Soomaaliya, in kooxdani ay dhibaataynayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana faahfaahin lagama bixin sida ay u dhacday duqayntaasi.

 Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadood iska kaashanayaan cidhib-tirka kooxda Al-shabaab, welina ma jiraan illaa haatan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku beeninayso amaba ku qiranayso jiritaanka wararkaas.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga