Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiirada ku shaqada leh arimaha ciidamada ee amniga iyo arimaha gudaha ayaa sheegay in aanay wax ciidamo ah ka war haynin oo la geeyay Beledweyne iyo sababta loo geeyay midna.
Golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah ciidamadaas looga soo saaro magaalada Beledweyne, laguna celiyo xeryihii ay ka yimaadeen.
Taliyaha ciidamada Soomaaliya, Odowaa, ayaa sheegay in ciidamadaas loo egeyay deegaanka si ay uga hor tagaan khatarta alShabaab, iyo sugida amniga doorashooyinka.
Villa Soomaaliya ayaa la rumaysanyahay in ciidamadaas ay u dirtay Beledweyne, arintaas oo ay diiday xukuumadda Rooble, welina aan xal laga gaadhin.