Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta La Wareegtay Dhismaha kuuliyaddii Jaalle Siyaad oo ay Tobankii Sanno ee ugu Danbeeyey Saldhig Milateri u ahayd Cidamadda Waddanka Burundi oo Kamida Hawlka Ciidamadda Midowga Africa.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dawladda Somaaliya Mahdi Maxamed Guleed iyo Wakiilka Ciidamadda Amisom Francisco Madeira ayaa Goobjoog ka ahaa Munaasabad kooban oolagu qabtay dhismaha.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kuliyadda Dayac Tir lagu Samayn doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka Dalka Soomaaliya.

Kuuliyadda Jaale Siyaad oo la dhisay 1975-kii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda.

Ciidamadda Burundi oo ka mid ah hawgalka Midowga Afrika ayaa Saldhig Milateri ka Dhigay Xeradda Jaale Siyaad Sanadkii 2008-dii.

Kuuliyadda Jaale Siyaad ayaa burburtay kadib markii la riday dawladdii Kali Takiska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre 1991dii.

SAAB TV
SAAB TV
SAAB TV
SAAB TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga