Wararka Saab TV soo gaadhaya ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay heshiis la gashay shirkadda Albayrak oo maamusha marsada (dekedda) Muqdisho.

Heshiiska, ayaa lagu kala sexeexday magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, iyadoo ay dhinacyada u kala sexeexeen sii haya wasiirka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Marayn Aweys Jaamac, waxaana dhanka Soomaaliya isna goobjoog ahaa sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdirraxmaan Ducaale Beyle.

Dhanka shirkadda waxaa ka socday Ahmet Albayrak, oo ah mulkiilaha shirkadda Albayrak, iyadoo sida wararku sheegayaan laysla af-gartay heshiiskan oo muddo 2 sanno ah dibu eegisi ku socotay.

Wararkii ugu dambeeyay caalamka iyo dhulka Soomaalida, kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga