Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Soomaaliya Dr. Cabdirraxmaan Ducaale Bayle uu saxeexay heshiis deyn-cafin ah oo ay Soomaaliya la saxeexatay dalalka England, Denmark iyo Netherlands.
”Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020 ee Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan, iyadoo heshiiska shirkaas qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.
Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan Dowladood ayaa waxa ay gaareysaaa $69.9
million” ayay qortay warbaahinta ku hadasha afka dalwadda Soomaaliya.