Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Waxay Sanadihii ugu Danbeeyay Marti galinaysay Xaalad Amni Darro oo isugu Jira Dilal Badheedh ah, Qaraxyo, Dhac Xoole Dadwayne iyo Kuwo Kale oo Badan, iyadoo ay Dalka Ku Sugan yihiin 20.000 oo Askari oo Ka Socda Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Markii uu u Taagnaa Xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Waxa uu Sameeyay Balanqaadyo Kala Duwan oo la Xidhiidha Amniga Dalka iyo La Dagaalanka Ururka Alshabaab.

Balse Wali Ma Muuqato Waxqabad Muuqda oo uu Madaxwaynuhu Ka Sameeyay Xaaladda Amniga Dalka,  Alshabaabna Wali Waxay Qaraxyo iyo Dilal Joogto ah Ka Fuliyaan Gudaha Caasimadda iyo Goboladda Hoos yimaada ee uu Dalku Ka Kooban yahay.

Khubaradda Amniga ayaa Qaba in aan Cidamadda La Siinin Mushahar ku Filan Tababar Wanaagsan iyo Hub Casriya, Taas oo Curyaaminaysa Dagaalka ay Kula Jiraan Ururka Alshabaab.

Hadaba Dawladda Maxaa Ka Hortaagan in ay La Timaado Qorshe Cad oo Lagu Sugayo Amniga Caasimadda?

Ex Xildhibaan Cabdi Barre oo Kamida Siyaasiyiinta inta Badan Falanqeeya Xaaladda Amniga Dalka ayaa SAAB TV uga Jawaabay Su’ashaasi Waxaanu Yidhi.

“Waa Tayo Xumadda iyo Hogaan Xumida ay Magacaabaan Madaxda Dalka Waxa Hortaagan Amniga Dalka,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Barre.

“Hadii Dawladu ay Magacaabi Lahayd Dad Tayo Leh oo Aqoon Leh Ama Wasiir ha Ahaado ama Taliye Ciidan Ha Ahaadee, Taas ayaa Meesha Ka Baxday,” ayuu Yidhi Xildhibaan Cabdi Barre.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga