Dawladda Maraykanka ayaa ku gacan-saydhay isbahaysi dhanka Istaraatijiyadda ah oo ay yeesheen dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Arrintani ayaa timi kadib kulan dhex-maray madaxwayneyaasha dalalka Shiinaha iyo Ruushka, ciyaaraha Olombikada, kadib markii Shiinuhu uu ku biiray dalal kasoo horjeeda isballaadhinta xulafada NATO, taasi oo ay Moosko si wayn usoo dhawaysay.

Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa ku gacan-saydhay kulan Jimcihii shalay dhex maray Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, sida warbaahintu ay ka xaqiijisay u qayb-sanaha dhanka warbaahinta ee aqalka cad.

WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga