Maraykanka ayaa Farmaajo ugu baaqay in uu si degdeg ah uga laabto muddo kordhinta muranka dhalisay ee golaha shacabka Soomaaliya ay u sameeyeen 12 bishan April.

War kasoo baxay wasaaradd arimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu bogaadiyay go’aanka uu qaatay raysalwasaaraha xukuumadda federaalka, Maxamed Xuseen Rooble, uu ku sheegay in uu diyaar u yahay doorasho.

Dawladu Maraykanku waxay xukuumadda federaalka iyo baarlamanka ugu baaqday in ay si wada jira u laalaan go’aanki muddo-kordhinta kadib kulanka ay u balan anyihiin maalinta Sabtida, taas oo dhabaha u xaadhaysa wada hadal laga yeesho arimaha doorashooyinka.

Dhammaan maamul goboleedyada iyo adaxda kale ayuu Maraykanku u sheegay in ay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka si loo dhammeeyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka.

Xukuumadda Washington waxay ugu danbayn ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubaysa ugu baaqday in ay dejiyaan xiisadda, isla markaana u ogolaadaan wada hadalku in uu si nabdoon u dhaco. Isku dhacyo yimaadaana ay u daran yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga