Ciidamada dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee dalka Libya ayaa la wareegay xerada muhiimka ah ee al-Watiyah. Afhayeenka xukuumadda oo fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay hadda dhammaan gacan-ku-haynta xerada la wareegtay, kadib bilo dagaalo iyo weeraro is-daba-joog ahi ay ka socdeen goobta.

Xoogaga Jeneraal Khalifa Xaftar ayaa laga saaray xeradan todobaado ka hor, balse wali waxa ku hadhsanaa dagaaalamayaal tiro yar iyadoo cabsida weerar ay mar kale soo qaadaana ay meesha ku jirtay, balse dawladda ayaa hadda kalsooni ku qabta maamulka saldhigan.

Saldhiga ciidamada cirka ee alWatiyah ayaa muddo dheer fadhiisin u ahaa xoogaga Xaftar, waa meesha ay duullaanka kasoo qaadi jireen. Iyadoo xudun u ahayd hawl-galkii ay ku damacsanaayeen in ay kula wareegaan magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, oo ugu danbayn fashilmay balse galaaftay nolosha dad ka badan 1000 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga