Dawladda kenya ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xadka ay la wadaagto dalka somalia.

Kenya waxay xidhay xadka deegaanka lamu, iyadoo ay socdaan hawlgalo milatari oo ka dhan ah xoogaga alshabab, sida ay saaka ku warameen qaar ka mid ah warbaahinta dalka kenya.

Madaxa booliska ee deegaanka lamu ayaa sheegay in xadku uu u furanyahay oo kaliya saraakiisha ciidanka.

Wargayska dailynation ayaa ku waramay in la joojiyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee deegaanka xadka, iyadoo gabi ahaanba la joojiyay isu socodka dadka caadiga ah ee u kala talaabi jiray labada dhinac.

Muchangi kioi, madaxa booliska deegaanka ayaa digniin u diray dadka isku daya in ay ka taalaaban xadka, isagoo xusay in la xidhi doono.

Talaabadan ay qaaday kenya ayaa imanaysa xili maalintii shalayy ahayd la sheegay in tobanaan ka mid ah xoogaga kooxda alshabab ee ka dagaalanta dalka somalia ay u tallaabeen dhanka waddanka kenya.

Xidhitaanka xadka ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili xidhiidhka labada waddan ee somalia iyo kenya uu marayo halkii ugu xumaa abid.

Degaanka lamu ee imika laga xidhay xadka ayaa ka mid ah afarta degmo ee ugu muhiimsan deegaanada xuduudka ee ay wadaagaan labadan waddan ee ku yaala bariga qaarada afrika.

Wali ma jito caddayn muuinayasa in kenya ay sababo amman oo kaliya u xidhay xadka deegaankan iyo in ay jiraan ujeedooyin kale oo qarsoon.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga