Ciidamada Itoobiya waxay sii wadaan guulaha ay ka gaadhayaan dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas ee lagaga soo hor jeedo dagaalamayaasha Tigrayga.

Magaalada istaraatijiga ah ee Labibela ee dhacda dhulka Amxaarada ama Xabashida ee Itoobiya ayay imika si buuxda ula wareegeen ciidamada dawladda Itoobiya sida lagu sheegay war kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa.

Deegaanka Lalibela ayay hore u qabsadeen ciidamada Tigray, waana magaalo diimeed qadiimi ah oo muhiim u ah guud ahaan shacabka Itoobiya.

Raysalwasaare ku xigeenka Itoobiya ayaa sawiro ku galay Lalibela si uu u xaqiijiyo warka qabsashadooda magaaladan.

Tigraygu waxay sheegeen in ay iyagu isakaga baxeen deegaanada ay qabsadeen ciidamada dawladdu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga