Dowladda ingiriiska ayaa Markii ugu Horeeyay Ka Dashay  Muwaadin u Dhashay Dalkeeda oo ku xirdhn magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu Waxyaabaha qarxa la Fuulayey diyaarad.

Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa Cadeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Anthony Cox oo ah Muwaadinkeeda ku Xidhan Muqdisho iyo Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheeradda oo ku Saabsan Xadhigiisa.

Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xidhan xabsiga dhexe Muqdisho.

Anthony Cox ayaa hore u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka.

Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xidhin.

Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda.

Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga