Hore ayay xukuumadda Hindiya u xidhay guud ahaan dalka oo dhan, muddo saddex todobaad ah, balse raysal-wasaare Narendra Modi, ayaa dadka dalkaasi u sheegay, in dalku sii xidhnaan doono illaa bisha May saddexdeeda.

Dalkan ay ku nool yihiin 1.3 billion oo qof, ayuu qufulku u bilaabmay 25 bishii Maarij markii amintu ay ahayd saqbadhkii, taasoo ka dhigtay Hindiya, dalka ugu dad tiro badan adduunka ee loo xidhay cudurka Coronavirus.

‘’Marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, waxaannu bixinnay qiimo sare, laakiin nafaha dadka reer Hindiya ayaa ka qiimo badan’’ ayuu  ku yidhi raysal-wasaaraha Hindiya Narendra Modi, khudbaddii uu qaranka kula hadlayay.

Raysal-wasaaraha Hindiya waxaa uu sheegay in xannibaadaha la saaray goobaha ka fog meelaha uu cudurku saameeyay, la khafiifin doono bisha Abriil 20-keeda si ay dadka fuqarada ahi ula soo baxaan quutal daruurigooda.

‘’Illaa inta laga gaadhayo bisha Abriil 20-keeda, saldhig kasta oo bilays, degmo kasta iyo gobol kasta, waa la kormeeri doona si dhow, si loo hubiyo in la qaatay amarka qufulka iyo in goobtaasi ay nafteeda kas badbaadisay fayraska’’ ayuu yidhi Modi, raysal-wasaaraha Hindiya.

Raysal-wasaare Modi, ayaa sheegay in cidda ku guulaysta tijaabadan, laga khafiifin doono xannibaadaha.

Dalalka Koonfurta qaaradda Eeshiya, ayaan kamid ahayn kuwa uu sida wayn u saameeyay cudurka Covid-19, balse Hindiya ayaa laga soo sheegay kiisas kor u dhaafaya 10,000 oo kiis iyadoo dhimashaduna ay kor u dhaaftay 339 qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga