Dawladaha Qatar iyo Sacuudi Carabiya waxay ku dhow yihiin inay heshiis hordhac ah ka gaadhaan soo afjaridda murankii soo jiitamayay kaasi oo ay iskaga soo horjeedeen dalalkan kuwada yaalla Khaliijku muddo ka badan saddex sano, sida uu ku warramay telefishanka oo soo xiganaya ila-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Heshiiska la filayo inuu dhex maro Qatar iyo Sacuudiga, ayaa yimid ka dib markii la taliyaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jared Kushner uu gaadhay gobolka Khaliijka isagoo qeyb ka ah dedaalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo xiisadda Khaliijka, ka hor inta aanu maamulka madaxwayne Trump xafiiska ka tegin bisha January.

Safarka lataliyaha sare ee madaxwaynaha Maraykanka, Kushner, ayaa waxaa qayb-ka-ah kulammo uu magaalada Riyaad ee caasimadda boqortooyada Sacuudiga kula yeeshay la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman toddobaadkan, isagoo isla todobaadkan la kulmay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, kulankoodaasi oo ka dhacay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Maalintii Arbacadii, mareegta The Wall Street Journal (WSJ) ayaa soo xigatay saraakiil sare oo Mareykan ah kuwaas oo sheegaya in muhiimada ugu weyn ee wadahadalka uu noqon doono xalinta muranka ka dhashay ogolaanshaha in diyaaradaha Qatar ay maraan hawada Sacuudiga iyo Imaaraadka (UAE).

 

Mareegta Bloomberg ayaa iyana dhankeeda waxa ay ku warantay in heshiiskan inuu dhow dhow yahay la sheegay, aanay ku lug lahayn dalalka Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar, kuwaas oo ay boqortooyada Sacuudi Carabiya ku wehelinayay go’doomintii Qatar, go’doomintaasi oo ay kaga soo rogeen dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyadoo muwaadiniintii reer Qatar loo sheegay inay degdeg uga baxaan dalalkaasi, xitaa xoolihii ayaa loosoo dareeriyay ku sugnaa boqortooyada Sacuudiga ee laga lahaa Qatar bilowgii go’doominta.

Dalalkaasi ayaa ku eedeeyay Doha inay taageerto argagixisada iyo inay xidhiidh la leedahay Iran oo loo arko inay aad isugu dhow yihiin.

 

Doha ayaa si isdaba joog ah u diiday eedaymaha oo ay ku tilmaamtay inay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn waxaana ay muujisay sida ay diyaarka ugu tahay wadahadal.

Si looga qaado xannibaadda, dalalkan ayaa Qatar usoo jeediyay fulinta 13 qodob oo kama dabays ah, kuwaas oo ay kamid ahayd inay alabaabada iskugu dhufato warbaahinta afka dheer ee Al-jazeera, dalabyadaasi oo ay Qatarna ku gacan saydhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga