Saddex diyaradood oo sidey ciidamo iyo gadiidka anaay xabadu Karin ayaa maanta ka soo
degey garoonka diyaradaha ee magalada dhuso-mareeb ee xarunta maamul goboledka Galmudug.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doona ciidamo ay bilowgii todobadkan keentay dawlada federaalka Soomaaliya magaalada dhuuso-mareeb isla markaana waxa ay ciidamadani ilaalin doonan Amaanka Magaaladda dhuso-mareeb oo maalmaha soo socda uu shirka dib uu heshiisinta beelaha ku nool galmudug ka furmi doono

Geesta kale waxaa jira walaac ay ururka Ahlu-Sunna ka muujiyen ciidamada ay
dawlada federaalku ka soo dejisay magalada dhuso-mareb isla markaana waxay hore ugu baqeen. dawlada in ay joojiso ciidamada ay keenayso magalada dhuuso-mareeb ee
xarunta mamulka galmudug

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga