Sida Ay Daabacday Wakaalada Wararka Ee Reuters Dowladda isutaga Imaaraadka Carabta Ayaa La Filayaa In Ay Tababar Siiso Ciidamada Somaliland, Arintan Ayaa Qeyb Ka Ah Heshiiska Lagu Dhisayo Saldhigga Milateri Ee Imaaraadka Carabta Ku Yeelanayo Magaalada Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa U Sheegay Wakaalada Wararka Ee Reuters In Imaaraadka Carabta Ay Tababari Doonaan Ciidamada Booliska Iyo Militariga Somaliland, Isagoo Xusay In Heshiiskan Lagu Soo Dhamayn Doono Labo Bilood.

Laakiin Dawlada Imaaraadka Carabta Ayaan Wali Ka Hadal Wararkan Madaxwayne Muuse Biixi Siisay Wakaalada Wararka Ee Reuters,
Hase Ahaatee Waxaa Ay Imaaraadka Carabta Ku Adkeysanayaan In Ay Boqolaal Milyan Oo Dollar Ku Maalgelin Donaan Somaliland Sanadaha Soo Socda Si Ay Isugu Fidiso Xeebka Istiraatiijiga Ah Ee Berbera,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo Goobjoog Ahaa Goobta Wareysiga Lagu Qaadayay Ayaa Diiday In uu Sheego Tirada Ciidamada Imaaraatka Ee Saldhiga Ku Yeelan Doona Magaalada Berbera.

Madaxwayne Muuse Biixi Ayaa Rajo Ka Muujiyay In Maalgashiga Imaaraadka Carabtu Ku Samaynayo Somaliland Uu Ku Jiro Dhismaha Garoon Diyaradeed Oo Cusub, Dhismaha Waddo Isku Xidha Berbera Iyo Ethiopia Tasoo Aw Sheegay In Ay Soo Kordhin Doonto Fursado Shaqo,

Imaaraadka Carabta Ayaa Sanadihii Ugu Dambeeyay Sii Xoojinaayay Siyaasadda Arrimaha Dibadda,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga