Daraasad cusub oo lagusoo bandhigay xogo dheeraad ah oo ku aadan fayraska Covid-19 ee gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhawaan la daabacay, iyadoo ay si wada jira u sameeyeen khubaro Soomaali iyo ajaanib iskugu jirta.

32 jeer ayay dhimashadu ka badantahay inta ay dawladdu ku dhawaaqday bilihii hore ee fayraska lagu arkay Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay bilihii March iyo September ee sanadkii 2020, waa 6 bilood, waxa Soomaaliya ku dhintay tiro u dhaxaysa 3,200 ilaa 11,800 oo qof gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida lagu sheegay daraasadda oo lagu daabacay Wargeyska Caalamiga ah ee Cudurada Faafa.

Mudadaas, dawladda Soomaaliya waxay iyadu sheegtay tiro u dhaxaysa  99 qof illaa  3,800 oo qof oo ay sheegtay in cudurka laga helay dhammaan gobolada dalka.

Daraasaddu waxay iftiimisay in ay jiraan tiro kale oo badan oo ku dhex qarsoon bulshada Soomaaliyeed ee gudaha dalka, xili hanaanka caafimaad ee dalku uu yahay mid burbursan gebi ahaanba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga