Shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya oo lagu qabtay sannadkii labaad gudaha Soomaaliya, ayaa madaxdii beesha caalamka ka kala socotay ee ka hadashay waxaa mid ahaa danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga.

Mudane Raysal-wasaare, mudane Raysal-wasaare ku xigeen, madaxwayneyaasha xubnaha ka ah  dawladda federaalka, wasiirrada iyo saxiibada kale, uma malaynayo inay tahay wakhtigii dib loo xasuusan lahaa waxqabadyada midowga Yurub iyo dawladaha xubnaha ee Soomaaliya tobannaankii sanno ee tegay.

Waynu ognahay in madashan, madashan aynu maanta u debaal-degaynaa lagu lafagurayo falanqaynta muddada gaagaban iyo hawlaha muddada dheer.

Danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga, wuxuu xusay in bulshada Soomaalidu, afartii, saddexdii, labadii iyo sannadkii ugu dambeeyayba samaysay horumar fiican xitaa bulshada Muqdisho oo uu si wax ku ool ah uhagaagay amniga Muqdisho, ayna tahay buu yidhi inaynu hambalyayno dhismeyaasha,  iyo dhaqdhaqaaqyada socda.

 

Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya wuxuu xusay in shay  keliya aanu samayn horu-socod, kaas oo sida uu sheegay aan ahayn sida bulshada Soomaalidu doonayso iyo sida xaqiiqdu tahay, isagoo ku tilmaamay inuu yahay heshiiskii doorashada.

 

Danjiraha wuxuu sheegay inay niyad-jab  ku tahay horu-socod la’aantaasi midowga Yurub iyo dawladaha xubnaha ka ah, balse maadaama oo ay yihiin daneeyayaal ay dhiirrigelinayaan doodda iyo wada hadalka isla markaana raadinayaan xal xilliga adag.

 

Danjiraha midowga Yurub Berlanga wuxuu soo jeediyay in hoggaamiyeyaashu ay ku kulmaan, kuna heshiiyaan habkii Soomaalidu wax u xallin jireen, sida ugu dhakhsaha badan, waxaanu sheegay ahmiyadda ay leedahay in laga wada tashado mucaarad iyo muxaafidba sidii horu loogu wadi lahaa Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha haweenka, danjiraha midowga Yurub wuxuu sheegay in sidii uu sheegay Nelson Mandela ‘’kama saari karno haaf bulshada kamid ah siyaasadda, dhaqaalaha, iyo nolosha bulshada’’,  waxaanu ku baaqay in door kasta dumarku ka dhex muuqdaan.

 

Danjiraha Midowga Yurub wuxuu xusay ilaalinta xorriyadda hadalka iyo in la dhawro xuquuqda saxaafadda oo aan loo dhigin xabsiga cabirka aragtidooda.

 

Dhanka kale danjireyaashii goobta ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa, danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, waxaanu sheegay in taariikh dheeri ka dhaxayso Soomaaliya iyo Masar, isagoo xusay in Masaaridu ay soo dhawaynayaan horumarrada ay gaadhay Soomaaliya, iyo  heshiisyada dhanka doorashada ee ay wada gaadheen Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, isla markaana ay tahay masuuliyad wada saaran.

Danjiraha Masaaridu wuxuu xusay doorkii ay Masaaridu ku lahaayeen geedi socodka Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, Masarna ay diyaar la tahay  taakulo kasta dhankeeda.

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, oo ka hadlay madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in wax walba laga hormariyo sidii doorasho ugu dhici lahayd Soomaaliya iyo doorka bulshada rayidka ah.  

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo kamid ahaa danjireyaashii maalintii Shalay ka hadlay madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa waxaa uu amaanay horumarka ay Soomaaliya gaadhay, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ka shaqaynta dhanka amniga iyo sida uu Shiinuhu u garab taagan yahay Soomaaliya marka ay noqoto nabadgeliyada Soomaaliya iyo xafidnaanta madax-bannaanideeda dhuleed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga