Illaa 35 qof oo dalxiisayaal ajanabi ah ayaa ku dhintay meel u dhaw magaalada barakaysan we Madiina, kadib markii gaadhi ay la socdeen ay isku dhaceen gaadhi nooca xamuulka ah, sida ay saaka ku waramayso warbaahinta Sucuudigu.

Dad gaadhaya illaa 4 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, waaxana loo qaaday cisbitaalada Sucuudiga.

Dalka Sucuudiga ayaa inta badan ay ka dhacaan shilalalka ay keenaan isku-dhaca gaadiidka xamuulka iyo gawaadhida caadiga ahi.

Dhawaan ayay ahayd markii ay boqortooyada Sucuudigu shaacisay in uu dalkeedu u furanyay dalxiisayaasha shisheeye isla markaana aanay dumarku u baahnayn muxrim.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga