Turkiga ayaa markii ugu horaysay wuxuu isu diyaarinayaa in uu galo xaalad bandoo ah oo rasmi ah kadib xaaladda Covid-19 ee gudaha dalkaas oo sii xumaanaysa.

Dawladda Turkiga ayaa maalmaha soo socda dalka kusoo rogi doonta xanibaado saamaynaya dhammaan dhaqdhaqaaqyada dadka nooc walba oo ay yihiin.

Maalinta Jimcaha ayaa la filayaa in uu dhaqan galo bandooga ay soo rogi doonto dawladda Turkigu, taas oo loola dan leeyahay si loogu yareeyo khatarta fayraska karoonaha iyo kiisaska xanuunka oo kordhaya gudaha dalka Turkiga.

Waa la arkayay waddooyinka magaalooyinka waawayn ee Turkiga oo gawaadhidu ay buux dhaafiyeen, meheradaha laga dukaamaysto oo buuxa iyo waddooyinka oo la ciir ciiraya dad kadib markii la ogaaday in dawladdu ay soo rogayso xanibaadaha rasmiga ah oo aan la ogayn mudada ay socon doonaan.

Turkiga ayaa sanadkii hore lagu ammaanay sida uu ula tacaalay xanuunka Covid-19 iyadoo hay’adda WHO ay bogaasiday, balse sanad kadib kiisaska ayaa si xawli ah u kordhay iyadoo la diwaan galiyay tiro aad u badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga