Dalka Soomaaliya ayaa laga cafiyay adduun lacageed oo dhan $1.4 billion, lacagtaas oo dayn-bixiyayaasha caalamiga ah ay ku lahaayeen dalkan faqiirka ah ee ku yaala bariga qaaradda Afrika.

Wadamada ku bahoobay Paris Club oo ay ku midaysanyihiin wadamada dhaqaalaha buuran ee daymaha bixiya ayaa go’aan wada-jir ah ku gaadhay arintan, kadib shir dhex maray wakiilo wadamadan ka socday iyo madax ka tirsan dawladda Soomaaliya iyagoo ka wada xidhiidhay khadka internetka. Kulankooda ayaa qaatay illaa 10 saacadood.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacag dhan $5.2billion balse hadda waxa laga jarayaa $1.4billion, waxaana daynta oo dhan laga cafiyi doonaa sanadku marka uu yahay 2023 marka ay Soomaaliya buuxiso shuruudaha dayn-cafinta ee hadhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga