Xarunaha Codeynta Ee Loogu Talagalay Doorashooyinka Ayaa Ka Furmay Dalka Lubnaan,Taasoo Ah Markii Ugu Horeysay Tartan Loo Galayo Baarlamaanka Dalkaasi Mudo Laga Joogo Sagaal Sano.

Tartanka Codeynta Ee Maanta Bilaabmay Ayaa Loo Arkaa In Ay Ku Loolamayaan 583 Musharax Oo Doonaya 128-kaa Kursi Ee Baarlamaanka Dalkaasi.

3.8 Milyan Oo Dad Ah Ayaa Is-Diiwaangeliyay,Waxaana Sanduuqyada Cod-Bixinta Oo Gaadhaya 6,800 La Dhigay Dhammaan Dalka Lubnaan Gudihiisa.

Maalinimadii Sabtida, Ciidamada Mileteriga Lubnaan Ayaa La Dhigay Guud Ahaan Deegaanada Dalkaasi,Si Ay Ugu Diyaargaroobaan Codeynta Doorashada Baarlamaanka Iyo Sugidda Amaanka Goobaha Codbixinta

Doorashooyinkan Ayaa Dhacaya Markii Ugu Horeysay Sagaal Sano Kadib,Oo Ay Jireen Qalalaaso Siyaasadeed Oo Dhaliyay In Dalka Lubnaan Muddo 2-Sano Ah Uu Noqdo Bilaa Madaxweyne,Isla Markaana Baarlamaanka Dalkaasi Loo Arko In Ay Sameystaan Muddo Kordhin Dhowr Jeer Ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga