Wali waxaa soconayaa mudaharadada lagu diidan yahay xukumada uu hogamiyo madaxweyne pinera

Madaxweynaha ayaa hore uu kala diray golihiisi wasiirada ,balse taasi  waxba kamay badalin dibadbaxyadii ka dhacayey dalka oo wali waxaa socda dibadbaxyo xoogan oo ka dhan ah xukumadiisa.

Dibadbaxayasha ayaa wali dalbanayaa in madaxweynaha iyo xukumadiisuba ay baneyaan talada dalka .

Dadkan dibadbaxyada wada ayaa markii hore ka gadoodey  qiime korodh ku yimi tigidhada lagu raaco tareenada dhulka hoostoda mara.

Balse hada waxaa ay dalbanayaan in madaxweynaha uu iscaliiso ,madama oo uu ku guul dareystay in uu wax ka qabto  dhibaatoyinka xaga nolosha ah ee dadku ay ka cabanayaan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga