Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah dawladaha waawayn ee dunida ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loosii daayo madaxweynaha dalka Mali oo ay xidheen ciidamada dalkaasi.

Madaxweyne Bah Ndaw iyo raysalwasaarihiisa ninka lagu magacaabo Moctar Ouane ayay ciidamada milatariga ee dalkaasi xabsiga dhigeen.

Warka xidhitaanka labada masuul ee ugu sarreeya xukuumadda ayaa soo baxay kadib markii la ogaaday wararka sheegaya in madaxweyne Bah Ndaw uu qorshaynayay in ciidamo niatari ah uu kusoo daabulo nawaaxiga magaalada caasiamdda ah ee Bamako, taas oo kordhisay cabsida ah in mar kale muddo sanad gudihiis ah uu afganbi ka dhaco dalkan ku yaala galbeedka qaaradda Afrika.

Wasiirka difaaca ee Mali ayaa sidoo kale ay wararka qaar sheegayaan in la xidhay oo milatarigu ay qabteen.

Midawga Afrika, Midawga Yurub, iyo Maraykanka ayaa iyaguna cambaareeyay tallaabada lagu xidhay madaxweynaha Mali, iyagoo dhammaan dalbaday in si shuruud la’aan ah loosii daayo madaxda dalka Mali ee xidhan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga