Jabhadda Tigrayga ee TPLF waxay ku warantay in xukuumadda Abiy Axmed ay kusoo qaaday duullaankii ugu cuslaa in muddo ah, waxaana gudaha u galay gobolka ciidamo tiro badan.

Hubka artilariga, taangiyo, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan cidi wadin, iyo hub kale ayay isticmaalayaan ciidamada Itoobiya si ay meesha uga saaraan xoogaga TPLF oo dib ugu laabtay magaalooyinka waawayn wixii ka danbeeyay marikii Abiy Axmed uu ciidamadiisa kala baxay magaalada caasiamdda ah ee Maqalle.

Ciidamada Tigrayga ayaa lagusoo waramayaa in ay dhufaysyo adag ka galeen deegaano badan oo marin u ah gudaha gobolka Tigrayga, sida laga helayo xogo kooban oo kasoo baxaya jiidda hore.

Dagaalada culus ee soo cusboonaaday ayaa imanaya xili mar kale ay Qaramada Midoobay ka dalbatay xukuumadda Abiy Axmed in gargaar la gaadhsiiyo gudaha gobolka, taas oo u eg hal bacaad lagu lisay, marka la eego baaxadda dagaalka imika socda.

Majiro war kasoo baxay dhanka dawladda federaalka ee Addis Ababa, kaas oo ku aadan dagaalada cusubee lagasoo sheegayo Tigray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga