Gaashaan buurta NATO waxay ka digtay in dgaaalka Yukrayn uu socon doono muddo sanado ah kadib markii ay darseen xaaladda dagaalka iyo mawqifka dhinacyada.

Waa hadalo kusoo beegmaya xili dagaalka barig iyo duqaymaha magaalooyinka waawayn ee Yukrayn ay sii socdaan.

Ruushku wuxuu duqeeyay magaalada Kyiv ee caasimAdda Yukrayn. Madaxweynaha Yukrayn wuxuu ku eedeeyay Ruushka in ay weerarka la beegsadeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Kyiv ku sugnaa.

Dhanka magaalada Mariupol, Jimcaha maanta waxa dadka shacabka ah laga saarayaa aaga warshadaha ee Mariupol oo ay haystaan imika hadhaaga ciidamadii Yukrayn ee difaacayay magaalada.

Maraykanku wuxuu saacadihii lasoo dhaafay balan qaaday aduun kale oo dhan $33 billion oo ah taageero ay siinayaan dalka Yukrayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga