Ciidamada Armenia iyo Azerbaijani ayaa sii xoojiyay duqeyntooda kadib shan maalmood oo ay ku dagaalamayeen gobolka Karabakh, halkaas oo ay ku dhinteen kudhowaad 130 qof.
Qof goobjooge ah oo ku sugan -Karabakh, ayaa warbaahinta TRT World ee dalka Turkiga u sheegay inuu arkay laba qarax oo xooggan iyo siidhiga dhawaaq degdegga ah maalintii Khamiistii.
Dad tiro badan oo ku sugan gobolka layskaga soo horjeedo ee Caucasus, ayaa ku xannibmay colaadda ka taagan gobolka Karabakh, ka dib markii ay qabsadeen ciidamada Armaaniya 1990-yadii burburkii Midowgii Soofiyeetka.
Iska horimaadyada xuduudaha ee ka qarxay deegaanka lagu magacaabo-Karabakh maalintii Axadda kaas oo sababay dagaalkii ugu cuslaa ee dhexmara Armaaniya iyo Azerbaijan sanado.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Azerbaijan waxay sheegtay in ciidamadoodu ay “burburiyeen madaafiic yaallay fadhiisimada ciidamada Armaaniya ee dhulalka bay yidhaahdeen la haysto.
Armaaniya way beenisay in mid kamid ah diyaaradaheeda dagaalka ee qumaatiga u kaca lasoo riday, iyadoo sidoo kalena Azerbaijan sheegasho lamid ah sheegtay, Azerbaijan waxay sheegtay, in ciidamada dhinaca Armenia lagu khasbay inay dib ugu laabtaan fadhiisimadii ay ku sugnaayeen ee ku yaallay jiidda hore.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Armenia ayaa iyana dhankeeda sheegtay in dagaalku uu “sii xoogeystay” subaxnimadii kadib markii la is weydaarsaday hub culus habeenkii, isla markaana ay ciidamadeedu iska caabiyeen weeraradii Azerbaijan.
Muuqaallo ay baahinayeen wasaaradaha gaashaandhigga labada dal ee uu dagaalku ka dhex socdo, ayaa muujinayay iyadoo diyaaraduhu ay garaacayaan gaadiidka dagaalka, ciidamada dhulka ku sugan iyo Kaareyaasha.
Bulshada caalamka ayaa ugu baaqaysa in xiisadda la dejiyo oo lagu dhammeeyo wada hadal iyo hab dublumaasiyadeed xiisadda Taagan, xilli dalalka Faransiiska iyo Turkiguna ay si wayn ugu kala sii fogaanayaan dagaalka u dhexeeya labadan dal.
Wararkii u dambeeyay kala soco Saab TV.