Kolonyada gargaarka bani’aadamnimada ma aysan awoodin in ay sahay siiyaan dadka degan xuduuda Bariga Quuta ee Suuriya, iyada oo diyaaradaha dagaalka ee dawladda ay dib u bilaabeen duqeyntii, iyagoo dilay ugu yaraan 70 qof, sida uu sheegay kormeere Caalami Ahi

tan iyo markii Golaha Ammaanka ee QM ay ku guuldareysteen fulinta xabbad-joojin 30-maalmood ah,Hadana ciidamada Suuriya ayaa dib u bilaabay duqeyntii Ay Ku Hayeen Dadka Rayidka Ah.

Kormeerayaasha Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha (SOHR) ayaa sheegay in duqeyntu ay dishay in ka badan 70 qof oo rayid ah tan iyo fiidnimadii isniinta.

Dib-u-billowgii Duqaymaha hawada ee Isniintii ayaa yimid wax yar ka dib markii 46 gaari oo ay soo dirtay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ee Suuriya iyo Qaramada Midoobay ay u suurtagashay in ay maraan Meelo ay dowladu maamusho markii ugu horeysay hal bil.

Laakiin shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Suuriya ay kala wareegeen qalab badan oo ka mid ah sahayda.

Saraakiisha hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa xaqiijiyay in dawladdu ay joojisay  qiyaastii boqolkiiba 70 sahay caafimaad,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga