Somalia flag with UAE flag, 3D rendering

Khilaafka Siyaasadeed Ee U Dhaxeeya Dawladaha Soomaaliya Iyo Imaraatka Carabta Ayaa Soo Bilaabmay Markii Heshiis Sadex Gesood Ahi Uu Dhex Maray Somaliland Shirkadda Dp World Iyo Itoopiya.

Heshiikaasi Ayaa Salka Ku Hayay Sida Loo Qayb Sanayo Dakhliga Kasoo Xarooda Dekadda Magaalada Berbera.

Dawladda Somalia Ayaa Heshiikaasi Ka Bixisay Hadal Jawaaba Ayadoo Somalia Ku Tilmaamtay Mid Ku Xabgudbaya Madaxbanaanideeda.

Waxay Somalia Waraaqo Cabasho Ah U Dirtay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay, Waxaana ilaa Wakhtigaasi Sii Xumaanayay Xidhiidhka Labada Dawladood.

8-dii Bishan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Waxaa Lagu Qabtay Boorsooyin Ay Ku Jiraan Lacago Laga Keenay Dalka Imaraatka Carabta Iyadoo Dhacdadani Kusoo Beegantay Xilli Ay Somalia Ka Jireen Khilaaf Siyaasadeed.

Dowladaha Imaaraatka Carabka Iyo Baxreyn Ayaa Si Wadajir Ah U Cambaareeyay Dowladda Soomaaliya, Iyaga Oo Ku Eedeeyay In Qoryo Lagu Qabtay Shaqaalaha Safaarada Imaraatka Ee Magaaladda Muqdisho Kadibna Ciidamada Amaanka Si Xooga Ugala Waregeen Lacago Malaayiin Dollar Ah.

Balse Dowladda Soomaaliya Oo Iska Difaacday Eedaymahaasi Ayaa Waxay Sheegtay In Ay Baadhayso Lacagtaas Meesha Ay Ka Timid Iyo Ujeedka Laga Lahaa,

Tan Iyo Markii Uu Bilaabmay Khilaafkii Dawladaha Khaliijka Ka Dhaxeeyay, Waxaa aad Usii Xumaanayay Xidhiidhka Soomaaliya Iyo Imaaraatka Carabta.

Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Ayaa Sheegay In Ay Kala Direen Ciidammadii Uu Imaaraatka Tabobarayay, Islamarkaana lagu Kala Daray Ciidammada Kale Ee Dalka, Waxaana Si Rasmi Ah Loosoo Afjaray Iskaashi Military Oo Labada Dal U Dhaxeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga