Putin iyo Macron waxay marti galinayaan wada hadal nabad lagu abuurayo oo la dhex dhigayo wadamada Armeeniya iyo Azerbijaan oo dagaalo culusi ay maalmahan ku dhex marayeen gobolka Nagorno-Karabakh oo labada dal uu mid waliba sheeganayo.
Madaxweynayaasha Ruushka iyo Faransiisku waxay labada dal ugu baaqeen in ay xabadda joojiyaan kana soo qayb galaan gogosha nabadeed ee ay ugu yeedheen.
Dhimasahda ayaa sare u dhaaftay 100 qof Khaamiista maanta, iyadoo dagaalku uu sii xoogaysanayo.
Labada dhinac waxay wacad ku mareen in mid waliba uu difaacan doono gacan ku haynta gobolka oo buuralay ah.
Warar kasoo baxay ayaa lagu xusay in aanay dagaalka joojinahayn.
Gobolka Nagorno-Karabakh waxa degen dad isir ahaan kasoo jeeda Armeeniya, kuwaas oo sanadkii 1990kii sheegay in ay ka go’een Azerbijaan inteeda kale kadib burburkii Midawgii Soofiyeeti oo labada dal ee Armeeniya iyo Azerbijaanba ay ka tirsanaayeen.
Azerbijaan waxay rabtaa in gobolka ay maamulkiisa la wareegto, waxaana dunidu ay u aqoonsantahay Nagorno-Karabakh qayb ka mid ah Azerbijaan.