Xalay waxa magaalada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe ka dhacay iska-hor-imaad goos goos ah oo u dhexeeya ciidamada dawladda Soomaaliya.

Ciidamada ilaalada bar ka mid ah meelaha lagasoo galo Balcad iyo ciidamo ilaalo u ah gudoomiyaha gobolka ayaa la sheegay in ay hub culus is waydaarsadeen kadib markii ay kala shakiyeen.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka, balse dadka deegaanka ayaa ka naxay maadaama oo tobaadkii hore ay alShabaab weerar culus ku qaaday deegaanka kuna dishay dad rayid ah iyo askarba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga