Dagaal cusub ayaa mar kale ka bilaabmay ogoblka Nagorno-Karabakh ee ay isku hayaan wadamada Armeeniya iyo Azerbijaan.
Weeraro kale ayaa maanta oo Axad ah bilaabmay, sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo deegaanku.
Todobaadkii labaad ayuu galayaa dagaalku, iyadoo dhinacyadu aanay muujinin wax tanaasul ah tan iyo markii xabaddu ay bilaabantay.
Saraakiisha Armeeniya ayaa sheegay in magaalada ugu wayn gobolka Nagorno-Karabakh ay madaafiic kusoo ganeen ciidamada Azerbijinaa, balse dhankooda saraakiisha Azerbijaan waxay iyaguna ku eedeeyeen ciidamada Armeniya in ay weerar cusub soo qaadeen.
Deegaano ay degenyihin dad shacab ahi ayaa madaafiicda labada dhinac ay gaadheen iyadoo ay xadidanyihiin wararka khasaaraha ee laga helayo buuralayda dagaalku uu ka socdo ee gobolka lagu mruansanyahay.