Dagaal culus ayaa ka bilaabmay Aaga Warshadaha ee magaalada Mariupol ee dalka Yukrayn, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Yukrayn.

Mariupol waxa ku dhuumaalaysanaya illaa 2,000 oo askari oo Reer Yukrayn ah kuwaas oo diiday in ay isku dhiibaan ciidamada Ruushka.

Saddex maalmood oo xabbadjoojin ah ayuu Ruushku ku dhawaaqay si dadka shacabka ah looga saaro aaga.

Wadamada Yurub waxay isku khilaafeen cuno qabataynta cusub ee gaasta Ruushka.

Dhanka bari, weli dagaalka ayaa ka socda Donbas iyadoo Ruushku uu guulo ka gaadhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga