Dagaal u dhaxeeyo ciidamada Amisom ee ka socodo dalka Jabuuti  iyo ciidamo tageersan maamulka dagmada Jalalqasi  ayaa ka socodo magaaladaas.
Wararka ayaa sheegayo inu dagaalku yimid kadib markii maamulka Jalalqasi  ay diideen in la bakhtiiyo ateenada isgaadhsiinta Hormuud oo aroorti la damin jiray kadibna baadhitaan dhanka miino bixinta ah ay ciidamada Amisom  ka samayn jireen  magaalada.
Waxa la sheegayaa in khasaare uu jiro inkasta oo xiliga rasaastu ay socotay ay yarayd.
Xiisaddan gacan ka hadalka sababatay ayaa  sii kordhaysay mudooyinkii dambe kadib is maandhaaf soo kala dhax galay maamulka Jalalqasi  iyo ciidamada  Amisom.
Quf ka mid ah dadka degaanka Jalalqasi  ayaa sheegay  in  ay hada rasaas goos goos ah socoto.
Dhanka kale, saaka waxa dhanka koonfureed ee magaalada ka dhacay qarax miino ah sida ay sheegen saraakiish Amisom iyo dadka deegaanku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga