Dagaal khasaare kala duwan sababay ayaa ka dhacay deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada dawladda iyo kuwa alShabaab, wuxuuna ka dhashay kadib markii alShabaab ay deegaanka weerar culus kusoo qaaday.

Taliyaha ciidamada xooga ee guutada 13-aad gaadhaanle dhexe Cali Maxamed Soocade ayaa lagusoo waramayaa in dagaalkan uu ku dhintay, iyo saddex askari oo kale.

Weli faahfaahin kale lagama helin balse alShabaab ayaa sheegatay in ay deegaanka la wareegtay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga