Dagaal culus ayaa ka dhacay magaalada Camaara ee gobolka Mudug ee badhtamaha dalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku.

Ciidamada dawladda iyo alShabaab ayaa ku dagaalamaya deegaanka iyadoo khasaare kala duwan lagasoo sheegayo deegaanka.

AlShabaab ayaa qarax la beegsatay ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug kadibna dagaal toos ah ayaa dhex maray dhinacyada, welina lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labada dhinac.

Warar kasoo kala baxay dawladda iyo alShabaab ayuu mid waliba guul kaga sheegtay dagaalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga