Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolka Jubadda Hoose. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidanka maamulka Jubbaland iyo xoogagga alShabab.

Xooggaga alShabab ayaa weerar kusoo qaaday xero ay ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaankan, sida ay sheegayaan wararka nagasoo gaadhaya magaalada Kismaayo oo aan wax badan ka durugsanayn deegaanka.

Khasaare laxaaaad leh ayaa ka dhashay dgaaalka oo cuslaa, waxaana la sheegayaa dhimashada saddex qof iyo dhaawaca dad intaa ka badan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland, balse alShabab ayaa sheegaysa in ay laysay askar ka tirsan kuwa Jubbaland isla markaana ay qabsadeen saanad ciidan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga