Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay duleedka degmada Afgooye ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka baxay Afgooye kuna wajahnaa deegaanka Sabiib ay Al-Shabaab wadada u galeen,waxaana dagaalka uu sirasmi ah uga dhacay deegaanka Cumar-Dheere ee duleedka degmada Afgooye. Dagaalka oo qaatay wax ka badan hal saac oo iska horimaad toos ah ayeey dad ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay u sheegeen warbaahinta in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadea Afgooye wali kamy hadlin dagaalka dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya xaalad degenaasho ay ka jirto deegaanadii lagu dagaalamay oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga