Dalka Kanada ee ku yaala waqooyiga qaaradda Ameerika waxa ka dhacday toogasho noqonaysa tii ugu xumayd abid ee ugu dhimashada badnayd taariikhda waddanka Kanada.

Nin iska dhigayay sarkaal boolis ayaa rasaas huwiyay dad guryahooda joogay isagoo isu maray guryo badan oo ku yaala tuulada Portapique ee gobolka Nova Scotia ee dhaca bariga dalka Kanada.

19 qof ayaa ku dhintay toogashada oo uu ku jiray sarkaal boolis ahi. Ciidamada booliska ayaa toogasho ku dilay ninka weerarka gaystay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga