Xanuunka Covid-19 ayaa dadka uu ku dhacay gudaha Somaliland waxay kor u dhaafeen 500 oo qof saacdihii ugu danbeeyay, sida ay tilmaamayso war-bixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto wasaaradda caafimaadka ee Somaliland.

25 kiis oo cusub ayaay wasaaradda caafimaadku diwaan galisay 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay, taas oo tirada guud ka dhigaysa 504 qof.

Tirada dhimashada ayaa iyadu ah 26 qof, halka dadka ka bogsadayna ay yihiin 84. Guud ahaan waxa kaga baadhay xanuunka Somaliland dad gaadhaya 2,017.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga