Dadka Sidamaa ee dega qaybo ka mid ah waddanka Itoobiya ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta si ay u go’aansadaan in ay samaystaan is-maamul u gaar ah iyaga.

Magaalada Hawassa ayaa la arkayay dadka oo safaf dhaadheer ku jira iyadoo loo badinayo in ay is-maamul cusub samaystaan.

Guud ahaan shacabka Itoobiya waxay ka yihiin %4, xili shacabka Itoobiya lagu qiyaaso in ka badan 100 million oo qof.

Hadii ay codayntan ku guulaystaan waxa ay xaq u yeelan doonaan in ay maamulaan ammaanka, waxbarashada iyo khayraadka deegaankooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga