Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay halka dad gaadhaya 30 kalena ku dhaawacmeen kadib markii uu dab qabsaday dhisme ku yaala koonfur gabeed magaalada paris ee caasimada dalka faransiiska.

Afhayeen u hadlay laanta adeega dabdamiska paris ayaa wakaaladda wararka ee afp u sheegay in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sare usii kacdo maadaama dabka uu ku faafay dabaqa toddobaad ilaa sideedaad ee dhismahan, iyadoo aan wali la xaqijin waxaa dhaliyay dabka balse wuxuu xalay ka bilaabmay  qeybaha hoose ee dhismaha, dad badan ayaa halkaasi laga daad gureeyay.

Ugu yaraan lix ka mid ah kooxaha badbaadinta ayaa ku dhaawacmay dabka, halka in kabadan 200 oo dabdamis ahina ay ka qayb qadanyaan daminta dabka.

Dad aad u tiro badan ayaa laga daad gureeyay dhismayaasha ka agdhawaa dhismaha uu dabku ka kacay oo la dhisay tobanaan sanno kahor.

Maayarka magaalada paris anne hidalgo oo goobta tagtay ayaa u tacsiyaysay dadkii ku waxyeeloobaay mashaqadan galaafatay nolosha dad badan oo rayid ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga