Waxa sii cakirmaysa xaaladda dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele oo sanadkan si aan hore loo arag u fatahay, waxaana la la’yahay dad badan oo looga cabsi qabo in ay qaadeen biyuhu.

Inta la ogyahay 11 qof ayaa la la’yahay meel ay jaan yo cidhib dhigeen, waxaana ku jiray dad ay shalay doon ay la socdeen kula gedoontay biyaha dhexdooda, illaa haddana wax war ah lagama hayo. Diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa ka qayb qaadanaya samtabixinta dadka.

Biyaha webiga ayaa sii xoogaysanaya waxaana yar gargaarka ay helayaan dadka jilicsan ee weli ku xaniban magaalada oo qaarkood ay ku adkaatay in ay socdaan.

Dad badan ayaan haysan wax ay quutaan iyadoo saraakiisha gobolku ay ka dayrinayaan xaaladda haweenka, caruurta, iyo dadka waawayn oo liidata.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday gargaar loo fidiyo dadka tabaalaysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in la caawiyo dadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga