Dooni sidday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo muhaajiriin ah ayaa ku qallibantay biyaha badda Medetereeniyan,gaar ahaan xeebaha kutaala dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen 65-ruux.

Hadal maalinimadii shalay ay sii daayeen Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR),ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-qof oo saarnaa doontaasi ,ka dib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah.

Afar ruux oo meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinaayo dadkii wax ku noqday doontaasi qallibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta.

Sida laga soo xigtay warbixin ay sii daayeen Wakaaladda Wararka ee dalka Tunisia TAP ayaa sheegaya in doontaasi ay siday 70-Qaxooti ah iyo muuhaajiriin aan la shaacin tiradooda ,waxayna doontaasi ay ku qallibantay meel 270km koonfur kaga beegan caasimadda Tunis.

Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahaan,waxaana dadka saarnaa doontaasi ka mid ahaa Bangladeshi, Moroccan iyo kuwo kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga